Skip to main content
Qiso jacayl :Dhawac_Jacayl_Dhibadana. Qisadan Waxay ku dhacday Wiil iyo Gabadh somaliyeed waana Qiso xanbaarsan murugo jacayl qofkasta oo akhriyana taabanaysa. Qalbigiisa.. Hadaan guda galo Qisada Wiil la odhan. Jiray Axmed Ayaa Wuxu ahaa Wiil ku nool. Magaalada Hargaysa. Axmed Wuxu ahaa Wiil kasoo jeeda Qoys Ladan Xaga nolosha Axmed xiligaas Wuxu ku jiray Dugsiga Hoose Dhexe. Axmed Wuxu kamid ahaa Ardayda Ugu xariifsan iskuulkooda Axmed Wuxu ahaa ruux dabeecad Fiican dadkuna ay Wada jecelyihin Wuxu ahaa ruux bulshawiya oo leh asxaab aad u badan . Axmed muu lahayn Hooyo iyo Aabo toona Wuxu laha Laba Hablood oo kaliya Axmed Wuxu ahaa ruux la nool reer abtigii oo aad u koolkooliya noloshiisa.axmed muu arag murugo Farxad Mooye Axmed Wuxu ahaa mid galbaha qaar aada meelaha quruxda badan si uu u qaato laydha macaan. Maalin maalmaha kamida Axmed ayaa kaxaystay Gadhigisii si uu hawada u Qaato Maalinta jawigu wuxuu ahaa mid aad u dagan waxay ahyd Goor Galaba Isagoo maraya Dacalada Hargaysa dacal kamida Goor ay cadceedu cidhifka sii dhigayso ayaa waxa uu arkay Laba Gaadhi oo wadada dacalkeda Taagan misna Wada hadlaya Kadib uu istaagay Si uu ula hadlo una xaliyo dhibta dhexdooda taala Markii uu ka soo dagay gadhigii ayaa Wuxu Si kadisa indhaha Ugu dhuftay. qalanjo aad u qurux badan oo labada gaadhi Mid ahaan ku jirta kadib Axmed Wuxu usoo dhaqaaqay dhankii inanta Markiibana Wuxu ku yidhi walalo Maxa kugu dhacay? si degan ayay Ugu jawaabtay waxayna U sheegtay Dhibta Dhexdooda taala Xoga Marku Arintoodii ku jiray xalna uu u waayay Axme Wuxu ka dalbaday Inantii inay soo raacdo ayna Wada tagaan geerash aan ka fogayn agtooda Wayna Ka aqbashay Waxay soo gadheen Geerashkii. Kadib waxa loo hagaajiyay inantii gadhigii lacagtina waxa bixiyay Axmed inantii oo ka heshay wanaaga inta leeg ee uu u sameeyay wiilka aanay garanayn Cida uu yahy ayaa si farxadi ka muuqato ku tiri walalo mahadsanid.
Comments
Post a Comment